¡CELEBREMOS A MÉXICO A LO GRANDE! CON LIBROS Y SUPER DESCUENTOS   Ver más

Enviar a
CUAUHTÉMOC, Ciudad de México
0
  • argentina
  • chile
  • colombia
  • españa
  • méxico
  • perú
  • estados unidos
  • internacional

Selecciona tu país

América

Europa

Resto del mundo

portada HABKA CILMIBAARISTA TAARIIKHDA SOMALIDA
Formato
Libro Físico
Año
2026
N° páginas
432
Encuadernación
Tapa Blanda
Dimensiones
24.4x17x2.9 cm
ISBN13
9781068667107

HABKA CILMIBAARISTA TAARIIKHDA SOMALIDA

Mohamed Haji Mukhtar (Autor) · Ciid Publishing · Tapa Blanda

HABKA CILMIBAARISTA TAARIIKHDA SOMALIDA - MOHAMED HAJI MUKHTAR

Libro Nuevo Importado
Envío: 15 a 20 días háb.
$ 1,678.17$ 755.18
-55%
Costos de importación incluídos en el precio ✅
Libro Nuevo

Quedan más de 100 unidades

$ 755.18
¡Envío Gratis!  Llega entre el 25 Sep y el 05 Oct a CUAUHTÉMOC, Ciudad de México. Seleccionar ubicación

Reseña del libro "HABKA CILMIBAARISTA TAARIIKHDA SOMALIDA"

''CILMI BAARISTU WAA XIRFAD la barto. Waxay barashahdeedu ku xirantahay (1) hamuunka qofku u qabo barashada iyo hanashada aqoonta iyo tiirarka salka u ah cilmi baaris, iyo (2) mugga iyo baaxadda aqoonta buuniga laga ijaasoqaadanaayo u leeyahay soo bandhigga iyo ta'wiilka arrimaha gundhigga u ah. Buuggan Habka Cilmiga ce Baarista Taariikhda Somalida waxa ku soo faroyaraystay Buuni Maxamed Haaji Mukhtaar oo ka mid ah ruugcaddaaga caalamka ce wax ka qora Taaaiikhda iyo wixii la xiriira. Waa buuni in ka badan kontomeeyo sano ku soo jirey cilmibaarista la xiriirta qorista taariikhda Soomaalida. Waxa uu buunigu buuggan ku soo uruuriyey waxyaabaha salka u ah barashada cilmi baarista iyo qaabka loo raadraaco. Ma aha markii ugu horreeysey ee uu Buuni Mukhtaar meel isugu keeno, marjac mideysanna ka sameeyo, aqoon mideynteedu muhiim tahay. Nolosha Buuniga ayaaba ah mid marjac laga dhigto. Wuxuu hore u qoray Historical Dictionary of Somalia oo ilaa iyo maanta ah marjac lagama maarmaan ah. Buuggan ku horyaalla waa mid ku Baraya qaabka loo baaro, loogu kuurgalo, loona raadraaco ilowareedyada salka u ah cilmi baarista iyo laamaheeda kala duwan. Waa buug dhaxalgal ah, ciddii akhrisataahina ay ka helidoonto miid aan gureyn.'' Dr. Cali Jimcale Axmad

''BUUGGA HABKA CILMIBAARISTA TAARIIKHDA SOMALIDA, waa dhigaal hagaya cilmibaarayaasha taariikhda Soomaalida, wuxuuna wax badan ku soo kordhin doonaa qoraallada taariikhda, wuxuuna in badan oo jecel qoraallada guud ahaan iyo kuwa taariikhda u fududeyn doonaa waddadii ay u mari lahaayeen in ay soo saaraan qoraallo tayo leh, gaar ahaan xilligan ay indheergaradka iyo aqoonyahanka da'da yarba qalinka u qaateen diiwaangelinta dhacdooyin badan oo taariikhi ah oo muhiimaddooda leh. Qoraaga Buugga Barafasoor Maxamed Xaaji Mukhtaar, waa aqoonyahan khabiir ku ah taariikhda Soomaalida, Afrika iyo tan Islaamkaba, muddo nus qarni kabadan ayuuna bare jaamacadeed ka ahaa, welina ka yahay jaamacado ku yaalla Afrika, Aasiya iyo Ameerika, waxa uuna horay u soo saaray buugaag iyo qoraallo tiro badan, dhigaalkanse waa kii ugu horreyay ee uu ku qoro Afka Hooyo, diyaaritiisuna waxa ay billaabantay 1975kii, oo ahayd xilligii uu Barafasoor Mukhtaar hawsha waxbarista ka billaabay Kulliyaddii Waxbarashada Lafoole ee JUS.'' Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

''BUUGGA HABKA CILMIBAARISTA TAARIIKHDA SOMALIDA, ee Prof. Mohamed Haji Mukhtar waa buug baahi weyn loo qabay, waqtigiisiina ka soo daahay, gaar ahaan marka aad eegto burburka ku dhacay dalka guud ahaan, iyo gaar ahaan hay'adihii waxbarashada iyo kuwii kaydka cilmiga. Runtii, buuggu wuxuu leeyahay qiimo qoto qoto dheer, wuxuuna xambaarsan yahay aqoon durugsan, oo kulminaysa macluumaad la xiriira macnaha taariikhda, astaamaha taariikhyahanka, habka cilmibaarista taariikhda, masaadirta iyo maraajicda taariikhda Soomaalida iyo waxyaabaha ku hareeraysan cilmiga taariikhda guud ahaan. Prof. Mukhtar, waxa uu guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan faca soo koraya uga tagay dhaxal aqoonced oo aad u culus. Illaahay ha ka abaalmariyo, cimri iyo caafimaadna ha siiyo." Dr. Maxamad Xuseen Macallin.

Opiniones del libro

Preguntas frecuentes sobre el libro

Todos los libros de nuestro catálogo son Originales.
La encuadernación de esta edición es Tapa Blanda.

Preguntas y respuestas sobre el libro

¿Tienes una pregunta sobre el libro? Inicia sesión para poder agregar tu propia pregunta.

Opiniones sobre Buscalibre

Ver más opiniones de clientes